Imisa Kiilo Ayay Jirkeeda Ku Kordhisay Shraddha Kapoor Si Ay Doorkeeda Haseena Parkar Kaga Run Sheegto

Bulsha:- Atirishada la wada jecel yahay Shraddha Kapoor waxay la timid waji cusub oo Gangester-nimo ah waxayna ku mataleysaa noloshii gabadha Mumbai laga cabsan jiray 80-maadkii iyo 90-maadkii Haseena Parkar.

Hadaba Shraddha Kapoor si ay doorkeeda filimka Haseena Parkar kaga run sheegto waxay jirkeeda miisaan ahaan ku kordhisay 17-kiilo!

Sababta miisaankeeda 17-kiilo ugu kordhisay waxay tahay inay Shradha filimka Haseena Parkar ku mataleyso 17-jir ilaa 45-jir oo ah marxaladihii ay Haseena soo martay.

Director Apoorva Lakhia oo filimka Haseena Parkar sameeyay wuxuu yiri “Shraddha marna ma aysan rabin hal muuqaal oo filimka Haseena ku jiro in laga been sheego sidaa darteed miisaankeeda ayay 17-kiilo ku kordhisay marka ay jileyso Haseena oo 45-jir ah”

“Waxay u qalantaa Shraddha Kapoor in doorkeeda dhibka badan lagu siiyo National Film Awards madaama ay muuqaal walbo si xaqiiqo ah u matashay”
Filimka Haseeena Parkar waxaa la daawan doonaa 18-ka bisha August ee nagu soo fool leh sidoo kalena Shraddha walaalkeed Shiddhant Kapoor ayaa filimkan door muhiim ah ku leh.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment