Bulsha:- Katrina Kaif Iyo Anushka Sharma waxaa la xasuusta in 5-sano ka hor wada sameeyeen filimka Yash Chopra Jab Tak Hai Jaan ee Super Star Shah Rukh Khan hogaamiyaha ka ahaa.
Waxaana xiiso leh in labadaan jilaa mar kale wada shaqeyn doonan ayagoo atiriisho ka ah filimka Srk cilinka ku matalaayo si ku meel gaar ah loogu yeero Dwarf.
Laakiin wararka la helaayo ayaa sheegaaya Katrina Kaif iyo Anushka in aysan muuqal ku wadaagi doonin filimka Aanand L Rai iska leeyahay ee Dwarf.
Waxaana xasuusana in Anushka Sharma muuqal la wadaagtay Aishwarya Rai Bachchan filimka Ae Dil Hai Mushil laakiin filimka Dwarf iyada iyo Katrina kalii Srk ayay muuqal la wadaagi doonan.
Aanand L Rai filimkisa aan wili magaca loo bixinin waa mid lawada sugaayo sanadka danbe asigoo ka mid ah filimada lacagaha qaaliga lagu qarash gareyn doono.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment