Hoggaamiyaha Zimbabwe oo si cajiib ah uga jawaabay hadallo ku aadan mustaqbalkiisa nololeed

Bulsha:- Hoggaamiyaha 93-jirka ah ee Zimbabwe Robert Mogabe ayaa ka dhawaajiyay inuusan dhiman, kaddib markii Sabtidii shalay aad loo hadal yahay in xaalad caafimaad darro ah ay lasoo daristay, isla markaan ay xaaskiisa ka dalbatay inuu magacaabo ciddii bedeli lahayd.

Mugabe ayaa sannadihii lasoo dhaafay si is-daba-joog ah ugu laalaabanayay dalka Singapore, taasoo sii xoojisay su’aalaha laga keenayo caafimaadkiisa. Safarkii ugu dambeeyay ayuu ku tagay Singapore horraantii bishan lagu jiro, inkastoo uu sheegay inuu u baxay hubin caafimaad.

“Waxaa la isla dhex-marayaa warar sheegay in madaxweynuhu baxay. Anigu ma baxayo. Waxaa jira in la yiri madaxweynuhu wuxuu dhintay. Anigu ma dhiman,” ayuu Robert Mugabe u sheegay kumannaan taageerayaashiisa ah oo uu kula hadlay guriga uu ku leeyahay magaalada Chinhoyi ee Zimbabwe.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaskiisa Grace ay ugu baaqady inuu ku dhawaaqo mas’uulkii bedeli lahaa, si aanay u dhicin inuu burburo xisbiga talada dalkaas haya ee ZANU-PF.

“Alle ayaa ku mahadsan inaan maanta noolahay. Alle waxaan uga mahad-celinayaa inuu i siiyay nolol wanaagsan. Beerkayga iyo wadnaynaygu waa kuwo aad u caafimaad qaba. Inta badan dhakhaatiirtaydu waxay si aad ah ula yaabaan sida ay lafahaygu u adag yihiin,” ayuu mar kale yiri Mugabe.

Sidoo kale, Mugabe wuxuu sheegay inuu jimicsi fara badan sameyn jiray tan iyo sannadkii 1970-kii, markaasoo uu qayb ka ahaa halgankii dalkaas looga xoreynayay gumeystaha.

Inkastoo madaxweynahan gaboobay ee Zimbabwe uu muddo saacado ah la hadlayay taageerayaashiisa, haddana wuxuu u muuqday qof daciif ah marka uu soconayo, mararkana qaarna sidii looga bartay firfircoonayn.

Sannadihii 2011-kii iyo 2014-kii ayaa qaliin dhanka indhaha ah waxaa loogu sameeyay isbitaal ku yaalla dalka Singapore.

‘CAAFIMAAD XUMADIISA’

Caafimaad-daradiisa ayaa sabab u ahayd hadal-haynta caafimaadkiisa ii sii kordhaya, iyadoo bishii Maarso ee sannadkan 2017-ka loo xiray laba suxufi warbixinno ku saabsan inuu aad u sii xumaanayo caafimaadka madaxweynaha.

Sannadkii hore ee 2016-kii, ayay xukuumadda Harare diiday inuu dibadda ku geeriyooday madaxweyne Mugabe, xilligaasoo la sheegay inuu dibadda ugu maqnaa fasax-sanadeedkiisa joogtada ah.

Mugabe ayaa diiday inuu magacaabo mas’uulkii bedeli lahaa, kasoo la filayo inuu kasoo dhex-baxo xisbigiisa muddada dheer dalkaas xukumayay, isagoo ah hoggaamiyaha ugu da’da weyn Afrika, ayaa haddana wuxuu sheegay inuu bal eegayo sida ay xaaladuhu isku bedbedelayaan ka hor intuuusa si cad ugu dhawaaqin hoggaamiyihii bedeli lahaa.
‘ARAGTIDIISA XUKUNKA’

Robert Mugabe ayaa rumeysan in xisbigiisu uu u kala jajajaban yahay hab beeleed, isagoo ugu baaqay xubnaha xisbigiisa inay noqdaan kuwo mideysan oo aanu tafaraaruq ku dhex-jirin.

“Kuwa aan isku xisbiga nahay ma mideysan yihiin? Waxaa ii muuqda inay u kala qaybsan yihiin hab beeleed, mid walbana uu u janjeero beeshiisa,” ayuu Mugabe ku yiri hadalkiisa.

Inkastoo Mugabe uu gaboobay, haddana xisbigiisa wxuu sannadkii aanu ka soo gudbnay u doortay inuu noqdo musharraxa ku meteli doona doorashada dalkaas ka dhacaysa sannadka soo socda ee 2018-ka.

Xaaska Mugabe oo lagu magacaabo Grace ayaa ka dalbatay dhawaan inuu intan ku ekeeyo xukunka, isla markaana uu magacaabo hoggaamiyihii xilka kala wareegi lahaa.

“Madaxweyne, ha cabsan. Noo sheeg kan aad dooratay ee ku bedeli  doona,” ayay ku nuux-nuuxsatay Grace oo ku hadlaysay codka haweenka ee xisbiga ZANU-PF. Iyadoo intaas ku daray. “Haddii aan noo sheegto shaqsiyaas si ay kalsooni ku jirto ayaan u taageeri doonaa.”

Ugu dambeyn, waxay u badan tahay in Mugabe uu bedelo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, kaasoo la sheegay inuu yahay shaqi ay si aad ah isugu dhaw yihiin marka la eego gudaha xisbigiisa. Kaas oo la sheegay inay dabada ka riixayso Grace Mugabe.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment