Bulsha:- Wakiilo ka socda bankiga adduunka ayaa shir ay la yeesheen wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyada lagu gorfeeyay howlaha dardar gelinta shaqo ee bankiga adduunka ka haayo Somalia.
Shirkaan ayaa la isla gartay in lacagta bankiga adduunka ku kabo mushaarka shaqaalaha dowladda la gaarsiiyo bishiiba 1,700,00 halka markii hore ay ka aheyd 700,000 dollarka mareykanka.
Kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen bangiga asduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo hadii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato.
Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.
Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment