Bulsha:- Arjun Kapoor Iyo Parineeti Chopra ayaa dib shaashada ugu midoobaaya 5-sano ka dib ayagoo wada sameyn doonan filimka Sandeep Aur Pinky Faraar.
Filimka Sandeep Aur Pinky Faraar waxaa director ka noqan doona Dibakar Banerjee waana filim jaceyl iyo Action isku jiro waana filim xiiso badan oo Arjun Iyo Pari mar kale shaashada isfaham weyn kusoo badhigi doonan.
Waxaana la sheegay in filimkaan uu ku saabsan yahay wiil iyo gabbar dagan labo magaalo oo kala duwan oo Hindiya ku yaalo halka sidoo la sheegay in Arjun uu ku matali doono nin boolis reer haryani ah.
Waxaana filimkaan maal gilin doona shirkada Yasha Raj Films waxaana maanta la shaaciyay in filimkaan xiisaha badan duubis lagu bilaabi doono bisha October ee sanadkaan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment