Bulsha:- Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xiray afar qof oo ay sheegen inay yihiin kuwo argagexiso ah waxaana lagu soo oogay dacwad ku aadan inay qorsheenayeen weeraro munaasabadaha iida inta lagu guda jiro inay ka geestaan dalkaasi Kenya.
3-kamid ah ayaa lagu qabtay degaanka Voi waxaana booliska oo soo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda ay faah faahin uga bixiyeen magacyada raga gacanta lagu soo dhigay.
3-daasi Qof ee degaanka Voi laga qabtay ayaa lagu kala magacaaba Yayha Salim Bakari – oo macalin ka ahaa masjidka majalis ee ku yaala xaafada Kikambala,ninka labaad ayaa lagu magacaba Julius Mwandenzi oo lagu naaneeso Zinde iyo Abdallah Ramadhan.
Booliska waxa ay sheegen in ragaan ay ka carareen magaalada Nairobi.
Qof kale oo lagu magacaabo Mohamed Anguzo ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi loomana kaxeen dhinaca Mombasa dacwadiisa Nairobi ayaa lagu qaadi doona.
Waxaa baxsaday qof shanaad oo ilaa hada aan la ogeyn meesha uu joogo,ciidamada la dagaalanka argagexida ayaa u dhacay guryo dadkaan ay ku jireen oo degaanka Voi ku yaala.
Sarkaal diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay wargeyska the Star in eedesanayasha 5ta ah ay askareeyen dhalinyaro da’dooda u dhaxeyso 16 ilaa 17sano kuwaasi oo ku biiray dhaq dhaqaqa Al-shabaab.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in maclumaadka sirta ee horseeday ragaan in lasoo qabtay ay soo siyeen saraakisha Kenya ee Soomaaliya jooga uuna ka baxsaday mid kamid ah ragaasi inta uu howlgalka socday.
Saraakisha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay maalmo qaadan donto suaal weydiinta eedesanayasha

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment