Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ra’iisal Wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam Desalegn Boshe iyo Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kula kulmay xafiiskiisa ra’iisul wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam iyagoo ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal.
Hailemariam ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ugaga mahadceliyay ra’iisul wasaare Kheyre booqashada uu ku soo booqday xafiiskiisa iyadoo ra’iisul wasaare Kheyre uu ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulankii ay madaxda dowlad goboleedyada IGAD ee lagu qabtay caasimada dalka Ethiopia.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashir oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulan madaxeedkii IGAD, waxayna ka wadahadleen xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Sudan.
Kulamada uu ra’iisul wasaaruhu maanta la yeeshay madaxda wadamada Ethiopia iyo Sudan ayaa waxaa ku wehelinayay wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah wafdiga ra’iisal wasaare Kheyre ee ka qeybgalay shir madaxeedkii IGAD ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment