Bulsha:- Booliska dalka Australia ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo sida Booliska ay sheegeen hubaysnaa, kaasi oo dhisme dhexdiisa ku afduubtay Haweenay iyo shacab kale, ka hor inta aysan Booliska toogasho ku dilin.
Ninkan oo lagu magacaab jiray Yacquub Khayre ayaa israsaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska waxaana halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray saddex ka mid ah ciidamada Booliska dalkaasi.
Saraakiisha Booliska ee dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen in Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaala magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah oo uu maxbuus ahaan u isticnmaalayay.
Yacquub oo ah ninka ciidamada ay toogteen ayaa sanadkii 2009 waxaa lagu eedeeyay inuu qorsheynaayay weerar inuu ku qaado Xero Militari oo ku taalo dalkaasi, balse baaris lagu sameeyay kadib ayaa lagu waayay wax cadayn ah.
Taliyaha Booliska gobolka Victoria ayaa Warbaahinta u sheegay ka hor inta aysan Boolisku toogan Khayre inuu wacay TV dalkaasi ku yaal uuna u sheegay weerarka inuu ku taageerayo Kooxda Daacish.
Soomaalida ku nool dalka Australia ayaa arintaan walaac xoogan ka muujiyay, maadaama Khayre uu banaanka soo dhigay tuhunkii laga qabay oo ahaa inuu xiriir la lahaa kooxo argagixiso.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment