Bulsha:- Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Rahma Warsame ayaa nin caddaan ah ilkaha ka daadiyay, kadib markii ay isku dayday in ay kala dhex gasho haweeney Soomaaliyeed iyo nin caddaan ah oo is hastay, hase ahaatee maslaxadii ay ku jirtay ninkaasi ugu badalay inuu wajiga ka dhaawaco ilkahana ka daadiyo.
Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay weerar naceyb jinsi iyo mid diineed maadaama aysan jirin sabab rasmi ah oo ninkaani ku dilay.Hay’ad lagu magacaabo Cair oo ka howlgasha Columbus, Ohio ayaa caawineysa gabadhaan, iyadoo looyar u qabtay, sidoo kalena u galay olole loogu tabarucayo dhaqaale, iyadoo markii bogg dhaqaale loogu aruurinayo loo furay ay kusoo gaareen saacado gudahood in ka badan lixdan kun dollar
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment