Bulsha:- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday olole dhiig loogu deeqayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii habeen hore lagu qaaday maqaayaddaha Pizza House iyo Posh Treats.
Ololahaan oo bilaabay ururka mutadawaciinta ee dhiig ku deeqayaasha Soomaaliyeed “Somali Blood Donation Volunteers” ayaa waxaa dadkii ugu horeeyay ee dhiiga ku deeqay dhaawacyada ay isugu jiraan mas’uuliyiin iyo dhalinyaro rayid ah.Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshada C/llaahi Ereg, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed, Guddoomiyaha Somali Blood Donation Volunteers Cumar Xabeeb iyo dad kale ayaa bilaabay ololahan dhiig bixinta.
Dhiigagga la qaadayay ayaa isugu jiray noocyada kala duwan sida A+, O+, B+ iyo AB+ iyo B+, waxaana dhiigagga qaar ee la qaadayay ay yihiin kuwo la sheego inay aad ugu yar yihiin bulshada Soomaaliyeed.Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa qaarkood ay aad u dhiig baxeen, maadaama ay adkeyd in la gudaha loogu galo, qaarkoodna lasoo bixiyay markii waagu baryay.

Dad ku dhow 50 qof ayaa weerarkaasi ku dhaacantay, waxaana socda dadaal dadka dhaawacyadoodu daran yihiin loogu qaadayo dalka dibadiisa.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment