Bulsha:- Kaddib markii uu kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid koobka Champions League iyo kan horyaalka La Ligaha Spain Cristiano Ronaldo ayaa maanta dib ugu soo laabtay tababarka xulkiisa Portugal.
Weeraryahanka kooxda Los Blancos ayaa tababarka xulkiisa Portugal maanta ka soo muuqday isagoo aad u dhoola caddeynaya.
Xulka qaranka Portugal ee ku soo guuleystay koobkii Euro 2016 ayaa waxa ay diyaar garow adag ugu jiraan kulanka ay la ciyaari doonaan habeenka Jimcaha ah ee soo aaddan xulka yar ee Latvia, kulankaasoo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka.
SAWIRRO:


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment