Bulsha:- Waa arin wanaagsan in lamaanaha guusha u saaxiibka ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt markale filim cusub wada sameyn doonaan.
Waxaana si rasmi ah shaaca looga qaaday filimka ay horey u wada saxiixdeen Shiddat xiliga duubistiisa bilaaban doonto madaama filimkaan caqabad walbo kasoo gudbay.
Director Abhishek Varman filimkiisa Shiddat ee jaceylka iyo sheeko qiiro badan isku jiro ah waxaa horey dib u dhac ugu yimid hana qaadistiisa laakiin haatan si rasmi ah waxaa loo sheegay in horaanta sanadka dambe 2018 duubis lagu bilaabi doono.
Varun iyo Alia waxay horey u wada sameeyeen filimada hirgaleen ee guusha wacan gaareen Humpty Sharma Ki Dulhania, Student of The Year iyo Badrinath Ki Dulhania hadanna waxay isku diyaarin doonaan sameynta filimka Shiddhat.
Filimka Shiddhat qorshaha wuxuu ahaa in Varun Dhawan, Arjun Kapoor iyo Alia Bhatt wada sameeyaan balse hada Arjun ayaa filimkaan isaga baxay baxay waxaana siweyn loo hadal hayaa in Aditya Roy Kapur mashruucaan lagu soo dari doono.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment