Bulsha:- Waxaa hori idinla wadaagnay in Aishwarya Rai Bachchan saxiixatay filim lagu magacaabo Fanney Khan kulana wehliyo super star Anil Kapoor.
Aishwarya Rai iyo Anil Kapoor waxaa isku danbaysay (2000), ayagoo waqtigaas wada sameeyaya filimka Hamara Dil Aapke Paas Hai labadaan jilaa ayaana mudo ka dib ka wada shaqeyn doon filimka Fanney Khan.
Maadaam filimka Fanney Khan ku saabsan music waxaa la sheegay in Aishwarya Rai Bachchan tijaanin doonto codkeeda markeeda ugu horeysay ama hees ka qaadi doonto filimka Fanney Khan oo duubis lagu bilaabi doono bisha August.
Filimka Fanney Khan waxaa director ka noqan doono ninka bollywood-ka ku cusub ee Atul Manjrekar waxaana maal gilin doono Rakyesh omprakash Mehra sida qorshaha filimkaan ayaa la daawan doono sanadka soo socdo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment