Bulsha:- Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Brazil ayaa ku guuleystay inay dhaliyaan mataano bad qabo kuwaasoo laga soo saaray haweeney maskax ahaan geeriyootay afar bilood kahor.
Haweeneydaan horey u geeriyootay oo lagu magacaabo Franklin Da Silva ayaa laheyd uur afar bilood ah, balse dhaqaatiirta reer Brazil ayaa haweeneydaan oo uu wadnaheeda shaqeynayey xilligaas ku rakibay aalad sii suuragelinaysa in wadnaha uusan istaagin.
Sida lagu xusay Majalada Folha de S.Paulo oo uu fadhigeeda yahay magaalada S. Paulo ee dalka Brazil ayaa soo tabinaysa in dhaqaatiirta isbitaalka Barana ay sameyn doonaan wax waliba oo awoodooda ah si ay u ilaaliyaan koriinada caruurta ay dhashay marwadii da’da yar ku geeriyootay ee Franklyn.
Ugu damebyn waxaa xusid mudan in caruurtaan laga soo saaray caloosha hooyadooda maskax ahaanta geeriyootay iyaga oo ku jira kaliya 7 bilood.. arintaas ayaana sababi karta cabsi xoogan oo ku aadan nolosha mataanaha.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment