Gabdhaha Uu Karan Johar Soo Saari Rabo Sara Ali Khan Iyo Jhanvi Kapoor Oo Xalay Hal Xaflad Isku Arkeen

Bulsha:- Sara Ali Khan iyo Jhanvi Kapoor waxay ka siman yihiin arimo badan oo ay ka mid yihiin in filim sameeye Karan Johar soo wada caan bixin doono iyo inay qoys fanka Hindiya awood ku leh kasoo jeedaan.

Sidaa darteed xalay Sara Ali Khan iyo Jhanvi Kapoor waxay ka wada qayb galeen xafladii dhalasho ee filim sameeye Karan Johar dhigtay inta badana xidigaha Bollywood-ka ka qayb galeen.



Jhanvi Kapoor waxaa hooyo u ah Sridevi Super Star-dii Bollywood-ka ka talin jirtay dhamaadkii 80-kii iyo bilawgii 90-maadkii halka aabo uu u yahay filim soo saaraha caanka ah Boney Kapoor sidoo kalena adeer waxaa u ah Super Star Anil Kapoor.

Sara Ali Khan iyada waxaa dhaleen labada Bollywood-ka maqaamka sare ka gaareen Saif Ali Khan iyo Amrita Singh sidoo kalena eedo waxaa u ah Kareena Kapoor Khan.



Hadaba Sara Ali Khan iyo Jhanvi Kapoor xalay habeen qaas ayay u ahayd madaama ay la fal galeen lana sheekeesteen jilaayaasha Bollywood-ka caanka ah ee xafladii Karan Johar ka qayb galeen.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment