Bulsha:- Wasaaradda Sinjiyada iyo Socdaalka ee Kanada ayaa sharuud ahayd in lamaanaha isku soo biirey ay wada noolaadaan uguyaraan 2 sano ka saartey qodobada laga doonayo in ay buuxiyaan qoysaska isku soo biirayo.
Wasaaradda ayaa war saxaafadeed ay siideysay ku sheegtey 28-kii bishi hore, in ay shuruudaasi qatar ku tahay sinaanta qoyska isla markaasna ay qatar ku keeni karto qaar ka mid ah dadka lla keeno.
Qaar kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa si wayn usoo dhoweeyay Go’aanka Cusub ee kasoo baxay Dawladda Canada.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment