Bulsha:- Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ka bilaabatay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Xildhibaanada dooran lahaa Madaxweynaha iyo Musharaxiintii u tartameysay.
Waxaa hoolka ku sugan wafdi ka socda dowladda Federalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo marti sharaf kale.
Musharaxiinta u tartami doona doorashada Madaxweynaha ayaa waxay kala yihiin.
1- Axmed Ducaale Geelle Xaaf, 2- Axmed Shariif Cali Hilowle, 3- Prof. C/qaadir Shirwac
Xildhibaanada Galmudug oo gaaraya 89 Xildhibaan ayaa dooran doona saddexdan Musharax, waxaana musharaxii hela cododka 3 meelood labo meel uu noqonayaa mid ku guuleysta doorashada Madaxweynaha, hase ahaatee hadii aanay dhicin, labada musharax ee ugu codka badan ayaa wareega labaad u gudbi doona.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment