Daawo Video: Gudoomiye-yaasha cusub ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Bulsha:- Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa goor dhow kaga dhawaaqay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar magacyada 15 guddoomiye oo loo magacaabay 15 ka mid ah 18 degmooyinka gobolka Banaadir.


Waa Guddoomiyeyaashii ugu badnaa ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo hal mar xilka laga qaado, iyadoo la magacaabay Guddoomiyeyaal cusub oo u badan dhalinyaro.

5 ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa loo magacaabay Haween, taasoo ah markii u horeysay taariikhda in 5 degmo in guddoomiye looga dhigo gabdho da’yar.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha qaar ayaa waxaa ku jira rag qurbo joog ah, iyo Xubno kale,  Liis horu dhac ah oo aanu helnay ayaa muujinaya xubnaha la magacaabay ee Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxayna kala yihiin sidan:-

Magacyada Gudoomiyayaasha cusub ee gobolka Banaadir ee hadda la magacaabay

1- Degmada C/casiis: Sharmaarke Maxamed Ladane

2- Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo

3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale

4- Degmada Yaaqshiid: Axmed Xasan Maxamuud

5- Degmada Howlwadaag: C/kariin Cali Kaar

6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo

7- Degmada Dayniile: C/wali Nuur Faarax

8- Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan

9- Degmada Dharkeenley: C/raxmaan Siid cali

10- Degmada Shingaani: Basmo Cumar Axmed

11- Degmada xamerweyne: Cumar Shariif Maye

12- Degnada Xamar Jajab: C/wali C/llaahi Maxamed

13- Degmada Waabari Rowdo C/llaahi

14- Degmada boondheere: Zeinab Yuusuf Wehliye

15- Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment