Terri-Merri, ayaa aad uga xanaaqday in saaxiibkeed Damon Searson uu waqti badan isticmaalo Facebooka islamarkaasina uu Sawiradiisa dhigo, taasoo keentay ineey aaqirkii Mindi Wadnaha ka geliso.
Terri-Marri, ayaa la sheegay ineey dhowr mar uga digtay gacaliyaheeda isticmaalka badan ee Facebooka iyo inuu Sawiradiisa soo Post gareeyo, balse Damon ayaa iska sii watay hoowshiisa ilaa ay gacalisadiisa wadnaha Mindi ka geliso.
Terri-Merri, ayaa markii ay gacaliyaheeda Mindida wadnaha ka gelineysay la sheegay inuu ku mashquulsanaa Facebooka oo uu Haweeneey kale la sheekeeysanayay.
Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Terri lasoo taagay Maxkamad, waxayna qiratay dilka, waxaana lagu xukumay xabsi Cimrigaa haku furto ah.
Kahor geeridiisa bil, ayaa waxaa la sheegay in Damon uu soo gatay Mobil cusub, kaasoo uu inta badan inta sawiro isaga qaado kusoo Post gareeynayay Facebookiisa.
Tan la yaabka leh ayaa ah in Terri markii ay dishay gacaliyaheeda ay iyada wacday Booliska, islamarkaasina ay u sheegtay in ujeedkeedu uusan ahayn ineey disho gacaliyaheeda.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment