Waa maxay biyo-bax degdeg ah maxaa keeno shahwo-baxa deg dega ah Wiiloow guska afkiisa hore qaabkaan,,,

Bulsha:- Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan “” loona soo gaabiyo “” waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah.

Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.

Waxaa kaloo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo “”.

Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (), Kacsi () iyo Biyo-bax (), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.

Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?

Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah:

Wejiga saarista biyaha () oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta.

Wejiga gamista biyaha () oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan.

Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna  laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa “” waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.

Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale.

Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.

Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.

Sidee loo daaweeyaa xaaladdaan?

Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:
1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)

2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo “” oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas.

3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa “SSRIs” waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.

waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso () ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.F.G: waxaa dhici karo inaad aragtid ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tira badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladaan iyo wixii la mid ah ee adigoo la tashan takhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh.

Waxaa kaloo muhiim ah in xaaladdaan laga sooco kacsi la’aanta oo ah iyadane mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment