galmada naag qas yar iyo jaceylka lamanaha

Bulsha:- Qodobadii jacaylka ee lamaanaha sida dhabta isku jecel.
– Ma ogtahay mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan wadnaheyga, maxaa yeelay, mar welba wad dhex maquurataa wadnaheyga, indhaheygana wad kafogaataa oo aragaga ma arkaan.
– Hadii aad ku dhacdo webi waa macqul doon in lagugu badbaadiyo ama shaqsi ku badbaadshaa, 



hadii aad ku dhacdo ceel waa macqul in xarig lagugu badbaadiyo, balse hadii aad duufaanada jaceyl shabaqa ugasho wax badbaado ah majiraan, illaa Aalle kaa badbaadiyo maahee.


– Jaceylku waa sun macaan, sidaa darteed hadii aad qof jeclaato usheego kahor intuusan kaa fogaan, jaceylka waxa baabi´iya waa waqtiga ee waqti hasugin.
– Waxa aad noqotay ordaa aanan daalin, waayo maskaxdeyda si joogta ah ugu dhex oradaa, marna ma aadan daalin. Waxa aad tahay tuug weyn, waayo wadnaheyga xaday hadana inta aad gudaha dhex gashay ayaad kor katoshay, waxan dareemaa wadnaheyga gudihisa adigo ka dhex nuuxnuuxsanaya.


– Maanta wadnahayga dhowr dhibic oo dhiig ah ayaa banaanka uso daatay. Kadib waxa waydiiyay dhibcihii soo daatay “Maxaad u soo baxdeen?” Waxa ay iigu jawaabeen “Qof ayaa wadnaha buux dhaafiyay. Meel ayaan ka waaynay. Wax badana oo meel ka waayay wadnahana waa soo socdaan”. 

Ma ogtahay qofka buux dhaafiyay qalbiga xinjirihina bananka uso saaray? Waa adiga xabiibi.
– Waxa aan ku siiyay furaha nolasheyda, kadib waxa aad furataa wadnaheyga adiga oo ku furanayo ciwaanka magacaga, kabaartaa wax walba oo ku soo dhaca. Kadib ayaad ku dhex aragtay in aan jeclahay dayaxa. 

Waad iska maseyrtay. Waayo, dayaxa waa wehelka habenkii marka ay tahay saqdhexe ee aan ku tabo daawado. Aniga oo niyeysta meel walba oo aan joogo in aad tahay dayaxa. Adiguna aad ogtahay in aan ku daawanayo, adna aad idaawanayso.

– Subixi wax quraac ah macuno adaan kaa fikiraa, duhurkii wax qado ah macuno adaan kaa fikiraa, cashana ma cuno adaan kaa fikiraa, habeenkiina ma seexdo, waayo, waan baahanahay.
– Mar welba oo aan kaa fikiro hadi an heli lahaa ubax aan kuu hadiyadeeyo maalin welba inta aan ku hadiyadeyo wax ay noqon lahaayeen beerta ubaxa, usbuuc gudihisna beeraha ubaxa mida ugu weyn ayaan yeelan laheyn.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment