Rasmi: Filimka Begum Jaan Oo Maalintiisa Labaad Hoos U Dhac Sameeyay Vidya Balan Flop Kale Ayaa Loo Diiwaan Galin Rabaa

Bulsha:- Atirishada awooda badan ee door kasto sameyn karto Vidya Balan culeeska ayaa kusii badanaayo madaama filimkeeda Begum Jaan hoos u dhac sameeeyay maalintiisa labaad ganacsi ahaan.

Filimka Begum Jaan sabtigiisa kowaad wuxuu keenay 3.25 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay hoos u dhac madaama Jimcadiisa kowaad uu filimkaan keenay 3.50 Crore.

Sidaa darteed Begum Jaan mudo labo maalmood wuxuu soo xareeyay 6.75 Crore halka sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso uu keeni doono 10 Crore waana u dhamaatay fashil weyn ayuu dhexda kaga jiraa.

Begum Jaan oo lagu sameeyay miisaaniyad xadidan oo 19 Crore ah hadana filimkaan ma bad baadi doono madaama ay ku adag tahay inuu dib usoo celiyo lacagaha lagu sameeyay.

Fadlan hoos kaga bogo Begum Jaan labadiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:


Begum Jaan wuxuu noqon rabaa filimka 7-aad ee xariir ah oo Vidya Balan Flop ka noqonaayo waxaana xidigtaan ugu dambeesay filim Hit dhameestiran noqdo ama guuleesto oo ay sameyso sanadii 2012 xiligaas oo Kahaani Hit noqday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment