Bulsha:- Waxaan wada ognahay in lamaanaha caanka ah Malaika Arora iyo Arbaaz Khan oo mudo 18-sano ah isla noolaa haatan kali tagi rabaan sidoo kalena ay u socoto hanaanka dacwada furiinka oo ay maxkamada arimaha qoyska gacanta ku heyso.
Malaika Arora iyo seygeeda Arbaaz Khan islama noolo waxayna ku kala nool yihiin labo meelood 12-kii bilood ee ugu dambeesay madaama ay is qilaafeen inkastoo sababta rasmiga ah oo ay isku maan dhaafeen daaha laga qaadin.
Hadaba Malaika Arora oo todobaadkaan la wareegtay dhex dhexaadinta barnaamijka caanka ah Nach Baliye 8 ayaa wax laga weydiiyay xiriirka haatan kala dhaxeeyo seygeeda Arbaaz oo ay dhawaan kala tagi doonaan.
Malaika Arora Khan waxay tiri “Arbaaz marwalbo qoyskeyga ayuu ka mid ahaan doonaa, waa qof wanaagsan oo in badan wanaag naga dhaxeeyo”
Malaika Arora ma dooneyso inay dagaal seygeeda ku kala tagaan madaama ay dhawaan wada fariisteen sidoo kalena ay ka wada hadleen qilaafka ka dhaxeeyo inuusan sabab u noqonin in wiilkooda Arhaan Khan oo 14-jir ah nolol cuqdadeesan ku noolaanin.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment