Bulsha:- Hablaha kunool Muqdisho waxa ay lasoo baxeyn Caalamado gaar ah oo aan lagu arki jirin xilli Magaalada ay kusoo batteyn Ragga Diyaasbarada ah ama Qurba Joogta ah oo dalka dib ugu soo laabtay.
Xamar waxaa lagu arkayaa dumar farabadan oo iscadeeyey ayadoona lasoo maray xilli lagu faani jiray quruxda uu eebe ku siiyo. isla markaana magaalada Muqdisho la isku xaman jiray hebla wey is caddeysaa.
.
Xagasha kale tan iyo markii ay shabaab ka baxeyn Muqdisho islamarkaana wadanka uu noqday mid barwaaqeysan oo nabad ah ayaa waxaa Magaaladda kusoo badanayey gabdhaha isqaawinayo ayadoona Xeebta liido marka aad tagto aad arkeyso gabar wadato Funaanad iyo Sarwaal islamarkaana ay muuqdaan dhamaan cowradeeda qeybta kore.
Si walba ay ahaataba dhaqankani ayaa waxa uu yahay mid cusub oo aan horay loo arki jirin ayadoona Dumarka Muqdisho kunool maalinbo maalinta ka danbeysa lagu arkayo wajiyo cusub, waxaase sheegis mudan in xiliyada qaar Dumarka Muqdisho ay ahaayeen kuwo ka xishooon jiray in ay banaanka usoo baxaan ayagoo aan wadan Xijaab, waxa ayna arintu isku badashay meeshii ay Dumarku ka xishoon jireyn in Ragga ay ka xishoodaan, taasoo usii ekaanay caadooyinka dalalka reer Galbeedka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment