Bulsha:- Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biya baxaan, u qaataan in hawshii galmadu ay dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon dheg jalaq u siin dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo haweeneyda.
Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan.
Bal eega Aayadda Qur’aanka ah: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta
iyaga lagu leeyahay oo kale).
Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey:
(Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay
idiinku raaxeeyaan). Haddaba waxa loo baahan yahay inay
biyabbaxa ka dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu
yaraan salaaxid, iyo
istiimin fudud.
Waxa loo baahan yahay
inuusan ninku ka dul kicin
xaaskiisa isla marka uu
biyabbaxo, balse uu sugo
ilaa iyadu iga kac ka
tiraahdo. Rag badan baa
aaminsan in geedkoodu
mar hadduu biyaha tuuro
balaqna noqdo, aanu wax
faa’iida ah u lahayn
haweeneyda, kusii
hayntiisuna aanay wax
micne ah samaynaynin,
isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo maxay ku falaysaa
geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog.
biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse
waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga
iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda
jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed
iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax. Haddaba geedka
oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna
inay galmadii dhammaatay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment