DAAWO YAABKA Haweenay maxkamad loosoo taagay inay Nin kufsatay

Bulsha:-  Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay kufsatay taksiile ka hor inta aysan lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo weheliyay, sida ay booliisku sheegeen.


Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay in ay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay.

Booliiska ayaa sheegay in aysan ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.
“Maadaama oo ay dhici rabeen waxaa laga yaabaa in ay ka ahayd in ay dareenkiisa jeediyaan” ayuu yi Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Taacadigan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab Service saacadihii hore ee 28 bishii January, sida ay booliisku sheegeen.

Waxaa la soo xiray ka dib markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska, Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment