AMISOM oo ka hadashay sababtii askari ka tirsanaa uu sida xun ula dhaqmay wasiir Maryan

Bulsha:- Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa raali galin buuxda ka bixiyay askari ka Tirsan Ciidamadooda oo bishaan Gudaheeda is hor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maryam Qaasim Axmed.

Askari ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa ishor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Maryam Qaasim Axmed oo doonaysay in ay gudaha u gasho Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, oo xiligaas ay shir kula laheyd Madax Caalami ah balse waxaa u diiday gudaha askariga ka Tirsan Ciidamada AMISOM.

Qoraalka uu Taliska AMISOM oo Soomaliya uu soo dhigay Barta Twitterka ayaa lagu sheegay in arintaas ay tahay mid aad loogu xumaado islamarkaana raali galin buuxda laga dalbanayo wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Maryam Qaasim Axmed, oo dhawaan shaacisay in ay tahay wax aan la aqbali Karin falka lagula kacay.

“Ciidamadeena ku sugan Iridka Hore ee Xarunta Xalane ma fileynin in wasiir uu imaanayo halkaas,waxay mar walba isku dayayeen in ay si wanaagsan u adkeeyeen amniga Xarunta,sidaas darteed ayay ku dhacday arinta”, ayuu lagu yiri warka kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya.

“Waxaan bixineynaa raali gelin buuxda oo aan ka dalbaneyno wasiirka”ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment