Wuxuu Ugu Hanjabay Inuu Facebook Dhigi Doono Sawiradeeda Qaawan Ee Uu Ka Haayo Haddii Aysan Arrintaan U Sameyn! Balse Maxaa Qabsaday Ninkaan?

Bulsha:- Qaadiga maxkamadda koonfurta qaahira ayaa ku xukuntay Seynab  iyo seygeeda 15 maalin oo xabsi inta ay socoto baaritaan ku aadan inay gooraceen nin xaaskiisa ugu hanjabay inuu Facebook dhigi doono sawir fool xun oo uu ka qaaday haddii aysan u fulin dalabkiisa.

Ku Xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda oo la tashatay la taliyaha guud ayaa waqti hore go,aan ku gaaray in xabsi lagu xuxumo Xaaris Cagaar iyo Xaaskiisa muddo 4 maalin ah inta laga baarayo meydka nin u shaqeenayey oo lagu gooracay dabaqa ay daganaayeen iyadoo lagu eedeeyey inay falkaan ula kaca ah geysteen.

Baaritaan uu sameeyey Axmed Waa’il oo ah wakiilka maxkmadda masar ee arrimaha Dambiga ayuu ku ogaaday inuu jiro khilaaf ka dhaxeeyey ninka la dilay iyo ninka dambiga sameeyey kadib markii ay soo laalaabatay wararka sheegayo inuu jiro xiriir sharci darro ah oo dhex maray xaaskiisa iyo ninka la dilay.

Maxkamadda ayaa go,aansatay inay baaritaan ku sameyso meydka ninkaan la gooracay si loo ogaado qaabka rasmi ah ee uu u dhintay waxayna sheegtay in si deg deg ah usoo gabagabeyn doonto baaritaankaas.
xog hordhac ah ayaa sheegeyso in ninka la dilay uu kasoo jeedo xaafadda minia isagoo waardiye ka ahaa shirkadda sameyso biyaha wuxuuna booqasho ugu imaaday walaashiis iyo ninka qabo waxaana  markii dambe meydkiisa laga helay baraakad biyo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment