Waxaa Jira Toddobo Astaamood oo dumarku ay ku jecelyihiin ragga xishoodka badan..

Bulsha:- Haweenka ayaa si weyn uga hela ragga xishoodka badan , waxa ayna u arkaan in arimo badan ay sahal u noqonayaan , hadaba waxaan soo koobeynaa sababaha ay haweenka u jecel yihiin ragga xishooda , haddii aad nagu racsan tahayna ra`yigaagana dhiibo .

1- Waxa ay haweenka aamisan yihiin in ninka xishoodka badan u yahay nin oofiya balanta , waxa ayna aaminsan yihiin in uu yahay mid daacad ah ,aan jecleyn beenta isla markaana aan aqoon wax qar qariska .

2- Waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in ay dareemayaan xasilooni waayo ma dareemayaan in lagula tartamayo , wax ay aaminsan yihiin haddii nin fur furan sheeko badan nolosha la wadagaan in taasi ay ku qasbeyso in aysan dareemin
xasilooni waayo haween kale ayuu la sheeko qaadayaa .

3- Sidoo kale haweenka ayaa aaminsan in ninku uu si weyn u daryeelayo , tani macnaheedu ma ahan in nin waliba oo furfuran ama sheeko badan uusan daryeeleyn lamaantiisa, balse ragga xishooda ayaa kaga sii wacan ayaa la leeyhay , xitaa isticmaalka erayada macaan ee jilicsan raga fur furan waxaa kaga wanagasan kuwo xishoodka badan .

4-Maba aamisana haweenka in ninka xishoodka badan uu ku sameynayo khiyaano naageed oo haween kale xariir uu lasameynayo , maxaa yeelay wax ay aaminsan tahay in haweeney kale u soo dhawaaneyn, maadaama uu xishood badan yahay.

5- Sidoo kale waxa ay aamisan yihiin in kaligiis uusan go`aan qaadaneyn , isla markaana jiri doonin wax uu ka qariyo .

6- Ninka xishoodka badan inta badan waa nin leh caadifat waxa ayna haweenka aamisan yihiin in uu awood u leeyahayin uu ka dhigeysto dhibaatooyinka haysta , isla markana sisahal ah ku dareema marka lamaantiisa ay wax dhibsaneyso .
7- Sidoo kale in si sahal ah ay ku farxad gilin karto ayay aamisan tahay haweeneyda , iyadoo adeegsaneysa erayo jilicsan , balse ninka fur furan xariifka ah waxa ay aamisan tahay in ay adag tahay oo shaqo badan ay u baahan tahay raali gilintiisa











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment