Bulsha:- Filimka Baahubali 2 oo ay hogaaminayaan Prabhas, Rana Daggubati, Anushka Shetty iyo waliba Tamannaah ayaa la filaya in la daawado 28 bisha April ee nagu soo aadan.
Filimkaan oo kamid ah aflaanta ugu waaweyn ee sanadkaan aadka loosugayo ayaa waxa dhacday in directorka filimkaani Rajamouli inuu u mahad naqo dhamaan inta ka shaqeysay filimkaan asigoon wax magac ah qofna ugu yeerin balse si guud ugu mahad naqay dhamaan jilayasha filimkaani.
Maadama xiligaas uusan heenin waqti uu shaqsi shaqsi ugu mahadnaqo intaa kadib waxaa dhacday in bartiisa Twitterka uu sogalay asigoo markaan ugu mahadnaqaya jilayasha filimka shaqsi shaqsi.
Rajamouli wuxuu u mahadnaqay dhamaan inta ka qeyb qaadatay filimkaani mid mid balse waxaa layaab noqotay asigoon soo magac qaadin atarishada weyn ee Tamannaah taaso filimkaan qeybta koowad iyo qeybta labaad ba door weyn ka cayaareysa.
Waa arin ay dadka la yaaben tolow ma si qaas ahuu mahad naq balaaran ugu mahad naqay gabadhani mise wuuba iska ilaaway, arinkaa Tamannnaah ma qancin doonto haduu ilaaway.
Xili uu kahadlaayey Anushka Shetty wuxuu ka yiri in qeybta labaad ee filimkaani doorkeda aad u wanaagsanyahay maadama qeybta koowad aysan wax saas ah oga muuqan xili ay xirxirneed moye balse uu yiri qeybta labaad door culus oo weyn aye kuleedahay taaso taagerayasha iyo daawadayasha qancin doonto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment