Sonakshi Sinha “Filimadeyda Uma Xiisin Atoorayaal Magac Leh”

Bulsha:- Sonakshi ayaa wax culeys ah dareemenin iney kaligeed doorka koowad kaso muuqato filimka Noor,balse ku faraxsan masuuliyada saaran iyadoo dareemeyso iney gaartey heer isku filnaansho. Filimkeeda ugu dambeeye Akira, hadana Noor, Sonakshi ayaa culees garbaha ka saaran kaligeed.

Quruxleydan ayaa sheegtay mustaqbalkeeda heerka ugu wanagsan iney ku jirto una baahneyn atoore magac leh si filimadeeda  suuqyada caalamka wacdaro ugu dhigaan.

“Waxaan Ku arkey Akira, hadana Noor waxaan dareemaya xornimo qof kale tiirsi uguma baahnid inuu filimka hormaro. Waxaan heystaa koox adag oo wanagsan umana baahni qof kale.”

Sidoo kale markad masuliyad qaadid adigoon qofna ku tiirsaneen, waxad dareemeysa farxada aduunka. Wan faraxsanahay inaan filimkan masuuliyadisa qaado anigoon la kaashanayo kooxdeyda, runti waxan leeyahay Garbo adag.”

Sonakshi ayaa warbaahinta u sheegtey xili ey joogtey xaflad lagu soo bandhigey goos gooska ugu horeeye ee filimkeeda Noor.

29 jirtan ayaa filimka ku mataleyso joornaaliste waxana filimka kula jiro Shibani Dandekar iyo Manish Choudhary. Sonakshi aya sheegtey jilaayasha aan kor kuso sheegne iney doorkoda sifiican umataleen sido kale ey ka dhigan tahay in loo baahneen bangiga  loo jabiyo sidi atoore ween filimka loogu dhiibi laha.

“Marnaba uma xiisin atoore can ah. Sida bandhiga ugu horeeye filimka aanka aqriye, waxaan ubaahnen dad run ah waana helney. Waligey lama kulmin Kanan iyo Shibani duubista kahor, laakinse waxaan ku mataleyna saaxibo isku dheer inan nahay. Si qurux badan ayey doorkoda ooga soo baxen. Inaba caadi ma ahan.” Ayey sonakshi hadalkeeda raacisey.

Marki la weydiiye dareenkeda Ku aadan filimada atariisho loo dhiibayo doorka koowad ( lead role), Sonakshi ayaa sheegtey “Waxaan qaban karin majirto hadan dumar naha, .wa maxay su’aasha ka tagan filim samees iyo xayeeysin?

Waan sameyneyna sido kale wax kasii ween ayan sameynena. Ayan tan qo fwalbo waxu niyada ku haaya udhiibista dumar doorka koowad. Waxaan umaleya hada iney layaab ehen in dumarka loo dhibo doorka koowad waana arin lagu farxo.” Caadi ma ahan Sonakshi Sinha.

Warbixintaan Waxaa Soo Diyaariyay Soona Turjumay Yahye Yusuf……











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment