Bulsha:- Waxaa ka tanbadiyaya shahwadeeda oo aad u sareeysa ilaa ay damacday in ay kulmiso laba nin mudo 4-sano ah, waxa ay xiriir saaxiibtinimo usoo bandhigtay mid ka mid ah nimanka ay hal goob iska lashaqeeyaan,in mudo ahna markii ay wada socdeen waxa ay u bandhigtay in ay isguursadaan kagadaal markii ay ugu sheekeysay in ay ninkeedii hore kale tageen wax ayna 4-sanadoo ku dhex jirtay Guurkaas Xaaraanta ah.
Waxa ay ka dhacday arrintaan xaafada Nusra ee bariga Qaahira,aakhirkiina waxaa ka shifay mid daris la ahaa naagta sidan u dhaqmeeysay mudaas dheer,waxa uuna islamarkiiba ku war geliyay Booliska xaafada Nusra.
Boolisku Waxa goobta ku qabtay ayada iyo ninkii danbe oo lagu magacaabo Muxamed ahna 42-jir guri kuwada baashaalaya,arrintii ayaa waxaa durbadiiba maqlay ninkeedii hore oo isa lagu magacaabo Sumar ah 38-jir kaa oo aan meel sidaasi ugu fogeen ku sugnaa,labadii nin iyo haweneydii ay qabeen waxaa la keenay saldhigga si arrintooda loo baaro, waxa su’aalo laweydiiyay labadii nin, waxa ayna labadooda ku doodayaan in ay qabaan haweeneyda midkasta waxa uu lasoo baxay warqadii nikaaxa aheyd ee uu sameystay markii uu guursanaayay.
Baaritaan socday 4-saac waxaa lagu xaqiijiyay in ay haweeneyd gashay laba danbi oo ah in ay kulmiso laba nin iyo in ay Zina ku dhacday.
Wararka ayaa waxa ay intaa in ninkeeda hore uu goobta ku soo gaaray nin ay isyaqaaneen oo telafan ka wacay isagoo siiyay Cinwaanka guriga xaaskiisa lagula baashaalaya,ninka danbe ayaa isana cadeeyay in Haweeneydan ay ku tiri aniga waxaan furanahay mudo ku dhaw hal sano,sidaasi darteedna uu u aqbalay guurkeeda uuna u heyso cadeeyo qeexaya sheegashadiisa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment