Hadii aad ku aragto sifaadkaan wiilka aad isla socotaan ogow in uu doonayo in uu gabarnimada kaaga dheelo…

Bulsha:- Af macaanida waa mida ugu badan ee lagu xado qalbiga gabadhaha, hadalada dabacsan ee markasta lagu dhaho gabadha waa mid qalbiga gabadhaha jilciya, intaasna waxaa usii dheer amaanta faraha badan ee gabadhaha lagu harqiyo ilaa laga gaarsiiyo heer ay kala garan waydo in wiilka ay isla socdaan uu xiriirka dhab ka yahay ama uu yahay mid ujeedkiisa yahay gogol dhaaf, shabakada allsiyaasad.com ayaa idiin soo gudbin doonto astaamaha lagu garto ninka doonaya gogol dhaafka, qormadaan waxaa qalinka u qaatay qoraa sare Daalac Daahir Shoot.

1. Markasta jecel in aad xirato dhar kuugu dhagan

Ninka markii uu guur kaa doonaya waa nin ka qaada xanaaq hadii uu ku arko adiga oo xiran dhar kuugu yar yar ama soo sawiraya cooradaada waa mid markasta ku dhaha dhar wanaagsan oo waafi ah xiro halka wiilka jecel gogol dhaafka uu kuugu dhiiri galiyo in aad xirato dhar kuugu dhagan ama soo sawiraya cooradada isaga oo ku dhaha “alla maanta waad isoo jiidatay” iyo ” labiskaan quruxdaada ayuu soo saaray” “markii aad xirato dharkaan jirkaaga quruxdiisa waa la dareemaya” iyo hadala badan.

2. Markasta Jecel in uu kuugu balansado meelo cidlo ah

wiilka doonaya gogol dhaaf aan u jeedadiisa aheen wax guur ah waa mid markasta jecel in aad ku kulantaan meelo cidlo ah sida qol ama hotel, waxaana badana dhaca inta aad meel cidlo ah isla wada joogtaan gacan ka hadalkiisa iyo fara  ka ciyaarkiisa.

3. Markasta kaaga sheekeeya wax ku saabsan galmada

si uu dareen kuu galiyo kuna gaaryo ujeedkiisa ah gogol dhaafka, waa in uu kuu soo maraa wado uu ku kicin karo dareenkaaga, markasta waa mid jecel in uu kaaga sheekeeyo wax ku saabsan galmada marmarna kaaga dhigo wax caadi ah oo la sameen karo, ruuxaas hadaladiisa waxaa ku badan hadalo dareenka kiciyo.

4. Guurka ayuu ka caga jiidaa

Ruuxa macsi doonka ah waa mid ka caga jiido guurka, mana u diyaarsana in uu kaala hadlo wax ku saabsan guurka, suaalaha qaar ee muhiimka u ah nolosha waa mid soo xirxira, mana ku arki doontid wax ku saabsan horumar mustaqbal.

5. Markii aad ka shakiso waxaad ku arki doontaa dhaar tiro badan

Markii uu wiilka macsida doonka aad ka shikiso ama aad ku aragto wax yaabo badan oo is diidaya waa mid kuugu qanciya dhaar, iskana dhiga mid kuu dhimanaya,  kuugu beer jilicsada hadal wanaagsan kaas oo marka dambe kaa dhigaya in aad qanacdo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment