Bulsha:- Baaritaan ay sameeyeen dhawaan khubaro u dhashay dalka jamrmalka ayaa waxaa lagu ogaaday in ragga ay ku dhacdo caadada oo bishii hal jeer ay u timaado, waxaana baaritaankan oo lagu sameeyay in ka badan 600 kun oo rag ah oo dunida daafaheeda kala gadisan jooga lagu soo ogaaday in raggu marka ugu horeysa ay ku dhacdo caadad xilliga ay gaaraan da,da 15 sano ayna ka go,do ilaa ay ka gaaraan da,da 70 jirka ah halka ay haweenku ka go,do caadad da,da u dhaxeysa 45-50 jirka.
Waxaa laga yaabaa in badan oo aqristayaasha ka mid ah in ay is weydiiyaan sidee ay ugu dhacdaa ragga caadada ma ka gadisan tahay tan haweenka? jawaabtu waxay noqoneysaa ragga caadada waa ay ku dhacdaa oo is badalada xagga hormonska ee ku dhaca jirka haweenka oo kale ayaa bishii muddo lagu qiyaasay ilaa sedex maalin oo xiriir ah ku dhaca jirka ragga,marka laga reebo dhiiga ka yimaada haweenka inta kale oo is badalo ah waa ay ku dhacaan ragga.
Hadaba is badaladan ayaa waxaa lagu garan karaa marka ay ragga ku dhacayaan sabab la,aan ayuu arkayaa in uu badalanyahay oo xanaaqiisa ayaa aad u kacaya wax walibana waa ay dhibayaan oo uma dul qaadan karo hadalada dadka guriga kula nool sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo bulshada kale intaba.
Waxa uu noqonayaa qof kala daadsan oo aanan wax u roon iyo wax kale kala garanaynin,iyo is bad badal badan , waxaa ragga qaar ay isku arkaan in xitaa raashinka qaar ay si caadi ah u cunin iyaga oo aanan lahayn abateed ama waqtiyada ay cuni jireen ay cuni karin,daal xagga jirka ah,murqaha iyo lafaha oo xanuuna,huradada oo ka wareerta iyo waxyaalo kale .
Caadada ku dhacda ragga ayaa loo tirinin sida tan haweenka oo kale oo badanaa boqolkiiba 90 waxaa lagu xisaabiyaa waqtiga bisha waxaana badi ay ragga caadada ku dhacdaa 13.14.15,bil walba,xiligaas oo ah waqtiga uu dayaxu is buuxinayo.halka caadada haweenka qaab kale loo tiriyo oo dayaxa kaliya laguma xisaabiyo.
Arintan ayaa waxaa soo dhaweeyay haween badan oo markii hore aad ugu wareersanaay qaabka ay ula dhaqmi lahaayeen ragooda oo fahmi weysanaa sababta ku qasbeysa xanaaqa sabab la,aanta ah,iyo is badalada uu sameeynayo ninka,waxaana ay sheegeen in sida iyagaba ay ragga ugu dul qaataan xilliga ay caadada ku dhacdo in ay u dul qaadan doonaan ragooda marka ay caadada ku dhacdo,waxaana ay haweenkii tijaabada ku sameeyay xiliyada ay caadada ragooda ku dhacdo u dul qaatay ay arkeen in ay sax tahay oo marka ay waqtiga caadada ka soo baxeen ragooda,si dabiici ah ayey ku soo noqdeen wax walibana caadi ayey noqdeen.
Ugu danbeyntii ayaa ragga soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in haweenkooda ay u sheegaan xilliga ay caadada ku dhacdo si haweenkoodu ay u fahmaan qaabkii ay kula dhaqmi lahaayeen,haweenkana soomaalidana waxaa la farayaa in sidiina oo kale ay raggu is badalayaan xilliga caadada ay ula dhaqmaan qaabka ay ugu baahanyihiin in loo dul qaato marka ay haweenku caadada qabaan,arinta muhiimka ah ayaa waxaa ay tahay in raggu aysan ka qubeysanaynin caadada sida haweenka oo kale oo waqti kaliya ayey ku xisaabtamayaan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment