Bulsha:- Urur ay leeyihiin muslimiinta Norway ayaa lagu dhaleeceeyey inuu sarkaal warfaafineed u qortay gabar indha-shareer xiran.
Wasiirka dhaqanka, xildhibaanno muslimiin ah iyo ururro kale oo muslimiintu leeyihiin ayaa cambaareeyey tallaabadaas uu qaaday golaha islaamka ee Norway.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay xukuumaddu siisay $55,000 ururkaas, lacagtaas oo loogu tala galay in lagu dhiirri galiyo is dhex galka diimaha.
Golaha islaamka Norway (IRN) oo sheega inuu dhiirri galinayo midnimada ka dhaxaysa muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayn ayaa u magacaabay horraantii todobaadkan Leyla Hasic inay noqoto afhayeenkooda.
Xoghayaha guud ee IRN Mehtab Afsar ayaa u sheegay TV Norway ku yaalla in Ms Hasic lagu doortay aqoonta ay shaqada u leedahay.
“Waxaa la yaab igu noqotay in qaar ka mid ah dadka oo ka welwela xorriyatul-qowlka ay sidan u dhaqmaan, marka gabar niqaab xiran soo baxdo oo ay shaqaysanayso” ayuu yiri.
Laakin wasiiradda dhaqanka Linda Helleland ayaa Facebook ku sheegtay in tallaabadaas ay ahayd mid ‘si xun looga tashtay’ oo ay abuurayso ‘kala fogaansho iyo faham darro’.
Abid Raja oo ah xildhibaan Muslim ah wuxuu u sheegay warbaahinta dawladda ee NRK in magacaabidda Ms Hasic aysan ‘maalin wanaagsan u ahayn muslimiinta’.
“Caqli kuma dhisnayn, waxayna wiiqaysaa kalsoonidii ay muslimiintu doonayeen inay dhisaan si ay xiriir ula yeeshaan bulshada Norway” ayuu yiri.
Talaadadii ayaa dhowr urur oo muslimiintu leeyihiin waxay soo saareen qoraal saxaafadeed ay ku sheegayaan in aysan kalsooni ku qabin IRN.
Warbaahinta gudaha ayaa ku soo warramaysa in masaajidyada qaarkood ay muujiyeen inay uga bixi doonaan IRN arrintan darteed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment