Nin Dhintay Isagoo Galmo Ku Jira

Bulsha:- Nin dhalin yaro ah oo 30 jir ah ayaa dhintay isagoo galmo la qaadanaya saaxibtiis bilawgii asbuucan,Shilkaan ayaa ka dhacay deegaanka Calabar oo ku yaala koonfurta Nigeria.

Nin lagu magacaabo Ete Samuel oo daganaa xaafada Ekpo Abasi Lane oo ka tirsan Calabar ayaa dhintay xili ay socotay ciyaarta sariirta oo u dhaxeyasay isaga iyo Miss Peace Idorenyin hotel ku yaala wadada 16 aad ee Calabar Zoo.

Labada lamaane ayaa dooqday iney galmo waqti kooban ah halkaan ku qaataan xiliga uu shilku dhacayay.

Marqaatiyaashu waxaa ay sheegeen in saacadu markii ay aheyd 5 pm. iney gabadhu soo wacday dad ay asxaab yihiin ayna u sheegtay iney kaligeed tahay ayna u baahan tahay caawimaad, qof asxaabteeda ka mid ahaa ayaa deg deg ugu tagay laakin nasiib daro waxaa meesha yaalay meyd.

“Markii aan tagay goobta waxan galay qolka si aan u arko iyada laakiin waxaan la kulmay meydka nin dhalin yaro ah oo ku jira dabaqa labaad, markii aan arkay inuu dhintay isagoo galmo ku jira waxaan wacay boolis ayey tiri qof dumar oo saaxib la ah gabadha galmada la sameyneysay ninka dhintay.

“Anigu ma dilin, niman badan ayaan la jiiftay ma aaney dhiman, tani waxaa ay aheyd markii iigu horeysay oo aan arko arintaan ayey tiri Ete Samuel.
“Waan baxsan karay laakiin waxan ogaa in aanan kiiskaan dhimashada ah waxba ku laheyn ,waxaan u xiray surwaalka kadibna dadka ayaan wacay ayey hadalkeeda ku dartay.

Booliska ayaa hada baaraya sababta keentay in ninkaan uu dhinto isagoo xaladan ku jira.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment