Maxaad Ka Taqaanaa Erayo Halistooda Aay Aad U badan Tahay Oo Dumarka Soomaaliyeed Adeegsadaan Marka Aay Xanaaqaan.?!

Bulsha:-  Qalbi jilicsan iyo jir aan adkeysi laheyn intaba waxaa loogu tagaa dumarka balse marar badan ayey ragu ka quustaan in ay fahmaan dareenka dumarka ee dhabta ah taasoo daliil u ah in ay adagtahay in la fahmaa waxa dumarku doonayaan iyo waxa ay diidayaan, gaar ahaan xiliga labada lamaane ay isku xanaaqsan yihiin ama diriri ay dhex taalo, Hadaba si aad uga bad baado dhibaatooyin balaaran oo haweeneydaada kaasooo gaara ka feejignoow arimaha aan hoos ku xusi doono ee haweenku ay ku kacaan xiliga xanaaqa.

Marar badan ayey dhacdaa in haweeneyda oo xanaaqsan marki aad wax weydiiso in ay kuugu jawaabto hadal laga dhadhansan karo ogolaansho ama rabitaan, balse xaqiiqada dhabta ah ee ay ka damacsan tahay ayaa ah in ay diidan tahay arinkaas, taasoo ragga intiisa badani aysan ka war qabin dareenka qarsoon ee haweenku ku cabiraan xaaladooda.

Hadaba bahda Allsiyaasad.com ayaa idiin heysa 6 kalmadood oo halis gooni ah leh kuwaasoo dumarku ay si joogta ah u isticmaalaan, kana turjumeysa deganaan iyo ogolaansho balse markii loo kuur galay oo lasoo baaray la ogaaday in ay ula jeedaan diidmo iyo xanaaq taasoo arinta ka dhigeysa mid qatarteeda leh, loona baahan yahay in raggu ka feejignaadaan.

1- OK Ogoow hadii aad xaaskaada ama qofta aad xiriirka la leedahay oo xanaaqsan aad ka maqasho kalmadaan OK ah in ay qasab kugu tahay in aad aamustid maxaa yeelay inta badan dumarku waxa ay kalmadaan u adeegsadaan in ay sheekada kusoo af jaraan taasoo muujineysa in aysan ku qanacsaneyn ama uusan cajabin hadalkaadu, marka ay OK dhahdana ulama jeedo in ay xaaladu ok tahay, balse waa in aad joojiso waxa aad ka hadleyso.!

2- WAXBA MA JIRAAN Hadii aad kalmadaan maqasho waa in aad maanka ku heysaa in xaaladu qasan tahay oo ay jiraan dhibaatooyin rasmi ah oo ay kaa tabaneyso ama mid ayada si gaar ah u heysta, balse dumarka ayaa kalmadaan si joogta ah u adeegsada marki maankooda uu ka guuxayo wax yaabo badan.

waana in aad ku dadaashaa sidi aad ku saacidi laheyd in ay ka gudubto wax yaabaha maankeeda ku wareegaya
3- CAADI WAAYE Hadii aad qof dumar ah oo xiriir idinka dhaxeeyo ama xaaskaada ah aad ka maqashid kalmadaan waxaad ogaataa in boqolkiiba 90 aysan ula jeedin in waxa ay ka hadleyso ay caadi yihiin, balse ay yihiin dhibaato aad u weyn oo ku kalifi doonta in ay mudankaada ku marsiiso oo ay kaa aar gudato, marka ay caadi waaye ku leedahayna waxaad ogaataa in maskaxdeeda ay ka guuxeyso sidi ay kaaga aar gudan laheyd mid ka daran arinka aad sameysay.

4- SIDAAD DOONTID SAMEEY Kalmadaan marnaba ma noqoto idan lagu siiyay ama in ay wax kuu fasaxday, balse sida dhabta ah ee haweenku ula jeedaan ayaa ah in ay kuu digeyso oo waliba ay ku siineyso digniintii ugu cusleyd, waxaana lagaa doonayaa in aadan waxba sameyn.

5- MAYA, MAHADSANID Hadii kalmadaan ay haweeneydu adeegsato jawi aan ku habooneyn in loo adeegsado, waxaad ogaataa in ay xanaaqa ay kuu qabto uu gaaray halkii ugu danbeeyay, waxaana lagaaga fadhiyaa in aan dejiyo baddii aad kicisay, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

6- AHA Kalmadaan inta badan raggu waxey u qaataan in haweeneydu ay ogolaansho bixineyso balse marnaba ulama jeedo ogolaansho ahaan, balse waxa ay aad ula yaaban tahay wax yaabaha aad ka sheekeyneyso, ayadoo waliba shaki weyn kaa qabta, hadii aad kalmadaan maqashana ku dadaal in aad jawiga bedeshid, oo aad hadalo jilicsan oo beerkeeda dhaqaajiya adeegsatid…

W/Q:Fanax Fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment