Bulsha:- Cijida ama Ciddida oo la qaniinaahi waa cilad iy cudur maskexeed, ka mid ah cudurada maskaxda asiibo oo lagu magacaabo (Obsessive compulsive disorder)
Si kastaba cilladaan la sameeyo markii stress jiro si la isaga dajiyo laakiin qofka wuu caadaysan karaa isagoo xitaa wax dhib ahi aysan haynin, waxay la mid tahay iyadoo tinta la jiijiido ama sanka qolfoof laga soo saaro mar kasta.
Cillada ciddi Qaniinku waa mid qofka uu la qabsaday ayna adag tahay in uu iska gooyo inkastoo ay heerar kala leedahay laakiin midda ugu daran waa midda bulshada ayaa Ogaata oo dadka aad dhex joogto aysan kaa hor istaagi karin ciddiyahaaga in aad afka la aado.
Waxay billaabataa xilliga caruurnimada ama qaangaarnimada, laakiin haddii muddo ku kooban tahay waxay takhaatiirta qaar ay sheegaan in ay tahay caado lala qabsaday ee ma ahan xanuun maskaxeed. sida markii welwel iyo fakar soo waajahdo caruurta haddii dhibaato ka haysato xagga iskuulka, guriga iyo asxaabtooda.
Inkastoo ay caafimaadka iyo nadaafadda u daran tahay in aad cidiyahaaga afkaaga ku goysid kadibne ruugtid oo cudurro badan laga qaadi karo hadane waxay dhibaato u geysan kartaa ciddiyaha laftirkooda iyo afkaba.
Dhibaato caafimaad ka sokow waxay keensataa in bulshada ay ku dhibsato ama adigaba aad dhibsato in aad iska celin wayso adigoo asxaabtaada ama qaraabadaada dhex fadhiya.
Qofka hadduu ku weynaado oo muddo soo waday way dhib badan tahay in uu iska gooyo weliba hadduu yahay qof magac leh ama la ixtiraamo waxaa keensanaysaa in sumcaddiisa wax u dhinto.
Waxay cilladaan ku badan tahay dhalin yarada, waxaana la tilmaamaa in ay ka billaabato cillad welwel ama fakar soo waajahday qofka xilligii uu qaangaarka ahaa ama uu soo korayay.
Waxaa ugu sahlan oo lagu joojin karaa in ciddiyaha la marsado daawo loogu talagalay oo aad u qaraar badan oo aanan ka muuqan cidiyaha, si qofka uu iskaga joojiyo markasto uu damco, waxayna daawadaa ka samaysan tahay maadada loo yaqaano “denatonium bozoate”.
Hadduu qofka uu ku walfay qaniinyada cidiyaha oo uusan joojin karin, daawadaan korane uusan ogoleyn waa in dhaqan ahaan loo daaweeyo oo uu la xiriiro takhtar xagga maskaxda hadduu rabo in cilladaan iska gooyo. Tijaabooyinka waxay sheegeen daaweynta noocaan ah ee caado jarista in ay wax tar leedahay khaas ahaan haddii qof aqoon u leh daaweynta caadooyinkaan aad la xiriirtid.
Midda ugu dambayso waa in daawo maskaxeed loo qaato iyadane takhtar ayaa kala xiriiri kartaa.
Waxa jiri karo siyaabo kale ee lagu daaweeyo cilladaan sida in gacmo gashi la isticmaalo oo kale ama in la isku mashquuliyo wax kaa hor istaagi karo ciddiyo cunista, laakiin midda kugu habboon waxaa kala xiriir kartaa takhtarkaaga.
Cillada cidiya cunista badanaa gacmaha ayay u badan tahay laakiin dadka qaarkiis xittaa cidiyaha lugaha way cunaan, inkastoo markii ay banaanka joogaan ay dhib ku tahay in ay sameeyaan maadaama ay lugaha badanaa daboolan yihiin, afkane aysan u dhawayn.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment