Ma Ogtahay Marwada Raalliyada Ah Iney Aaminsan Tahay Laguna Garto Tobankaan Qodob Ee Cajiibka Ah..

Bulsha:- Iyadoo ay jiraan maalinwalba ama bilkasta dad is guursada iyo lamaanayaal cusub oo dunida ku soo biira, ma dhihi karno waxay isku xusheen sidii loo baahnaa laakiin waxaa jiri kara waxyaabo kale oo ay isku raaceen labadaa qof ha xumaado ama ha wanaagsanaadee.

Haddaba waxaa jira Su’aalo badan oo ku aadan sidii marwadu u noqon laheyd mid Wanaagsan oo seygeeda qancisa dhan walba una Horseeda farxad isfaham, guul iyo horumar nolosha ah.

Inkastoo ay adag tahay in bini aadamku mar walba is qanciyo, hadana waxaa jira tiirar qoysku ku tiirsan yahay taasoo sabab u noqon karta in uu noqdo guusha nolosha lamaanaha is doortay.

Halkan waxaan ku soo gudbineynaa tilaamaha ay leedahay Marwada wanaagsan ee ninkeeda iyo noloshiisaba u horseeda guusha aduun iyo tan aakhiro.

1-  Inay tahay qof wanaagsan , Rabbi ka cabsata kor iyo hoos, Rasuulka raacda (scw).
2-  Waa daaciyad diinta ugu baaqda ninkeeda, gurigeeda, ehelkeeda, dariskeeda, saaxiibadeed iyo bulshada inteeda kale.
3- Waxey ninkeeda uga dambeysaa Mas̢۪uuliyadda ama hogaanka qoyska.
4-  Uma dareento culays inay ka amar qaadato ninkeeda wixii aan dambi ahayn.
5- Waxey xifdidaa ( ilaalisaa) nafteeda, hantida ninkeeda iyo awlaadiisa.
6-  Inay buuxiso indhihiisa ama uu maqsuudo marka uu soo eego ( jirkeeda, nafteeda iyo caqligeeda).

7- Waxey aaminsan tahay in gurigeeda adduunku yahay kii looga sii gudbilaaha guriga jannada.
8- Waxey ilaalisaa ishiisa, sankiisa, dhegahiisa iyo qalbigiisa, iyadoo hadba dareenta baahidiisa.
9-  Way u dulqaadataa dabeecadaha xun ee ninkeeda, waxay ogtahay inuu meelo kale ku wanaagsan yahay.
10- Waxey dabooshaa goldaloolooyink ninkeed iyadoo isku dayaysa inay saxdo ama toosiso isagoon dhib u arkayn.
Haddaba Inanyahey waxad Ogaata in Aduunka ay ugu qiimo badan tahay Marwada ninkeeda Saamaxdo ama xilli waliba cafiso taasoo ay ku muteysan karto Janada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment