Ma Badali Kartaa Qof Aad Dhibsatay Dabeecidiisa Macquulse Ma Tahay Inaad Badasho..!!

Bulsha:- Ilaahay SWT Qurankiisa wuxu ku leeyahay “Rabi ma badalo waxa ku beeran qowmiyad, ilaa ey ayaga naftooda badalaan”.

Ayaadas anagoo ka tusaallo qaadaneyna ayaa hadana waxa jira dad aanu nolasha la qeybsano oo jecelnahay ineey dabaceedoodu is badasho, dabcan si wanaagsan isku badasho oo kugu qancisa la joogooda ama nolol la qeybsashadooda.

Kasoo qaad, caashaqagu sidu u dhaqmaayo waalidkaaga ma ka helin, cabasho zaa’id ah ey kugu hayaan qoyskaga, ama saaxiibkaga oo nolol ama shaqo fiican la jeceshahay, marka aad dareento waxyaabo saas camal ah oo kula qalafsan waad u dul qaadan weysa oo markas aya laga yaaba inaad isku daydid inaad badasho ruuxaas dabeecadidsa. Su’aashu waxey tahay ma badali karta? Ama ma haboontahay inaad isku daydid xataa?

Waxey iskugu soo biyo shubaneysa inaad ku caawin kartid inaad ruux badashid dabacadiisa laakiinse ey xadidantahay oo aad uga baahantahay wada shaqeyn iyo is fahan idin dhex mara. Kaftan cilmi nafsi ah ayaa ah:

Su’aal: Intee qof(cilmu nafsiyiin) ayey qaadata iney badalaan nalka (galuub)?
Jawaab: Hal qof, laakinse nalku ma u baahanyahay in la badalo (oo wali ma gubtay horta).

Garo Naftaada!
Waxa ku cad in aadan ka maarmin wada shaqeynta qofka, oo haduusan qofka u baahneyn ama muujin dadaal uu doonayo inuu dabacadiisa iska badalo. Si aad qof kale dabeecadiisa u badashid waxa haboon inaad barratid sida loo badalo dabacadeeda, intee kugu qadatay inaad dabaceed qalafsan iska badashid? ama wadadee raacday? Maxaase kugu caawiyay? Garo naftaada!

Maahmaah ayaa odhaneysa “Who has never tasted bitter, knows not what is sweet.” Oo ladhigeedu Somaligaa yahay “Hadduusan qadhaadh jireen, miyaa la qiri lahaa malab.”

Tusaale: Kasoo qaad waxaad iska joojisay aflagaadada adoo ka haraya dadki aflaagada badnaa oo aad raaci jirtay, iyo markastoo hadleysidana aad ka feejignaatay kalmadaha ceyda ku jirto.

U fiirso bani-aadanka wuxu la qabsadaa ama la dhaqan noqda dadka uu markaste ku dhex suganyahay. Hadaba, Adoo eegaya waqtigi iyo qaabkii aad dabeecadada u jartay waxey ku fududeyneysa inaad qofka kale dabaceediisa badashid. Halheys uu Mahatma Gandhi yiri ayaa odhaneysa “Hadaanu anagu awoodno inaan is badalno, dabciga aduunkana wuu is badali laha”.

Markaad matashid ama u dhaqantid sida aad rabtid iney dadka eynigaga jooga iney u dhaqmaan, waxaad ku caawineysa dadka eynigaga ku dhaqan iney si eysan dareemeyn isku badalaan ama aad tusaale u noqotid, taasoo kuu suurta galineysa hadafkaaga.

Ogow dabciga bani-aadanka ayaa ah inaanu waxyaabaha sahlan sameyntoodu nasoo jiiidato, ficilada adagana aanu ka fogaano. Micnaheedo yahay, inaad qofka aad ka xanibtid waxyaabaha usoo jiidaya dhibka iyo dabcaga qalafsan oo aad rabtid inaad ka jartid, waxey ahaan kartaa dad sida asxaabtiisa ama ashyaa sida daroogada, una sahal suu u helo qofkaasi badalookood taasoo ku dhiiri galineysa sameynta falka suuban. Tusaale: Hadaa qofka rabtid inaad sigaar ka gooysid waxa ugu badashaa wax uu afka gashto markasta uu soo xasuusta cabista sigaarka, sida xanjo ama nacnac.

Nasiib daro, saameynta aad ku yeelan kartid is badalka dabciga qofka waa xadidantahay hadeysan qofku kula shaqeynin oo ka dhaadhacsaneyn in dabcigaas iskaga haro. Qorshana dhigan iyo xeer uu ku hormarin karo siduu uga tagi laha dabcigaas qalafsan, hadaaney sidaas kuu muuqan dabcan qofkas sidaad u badashid waad adagtahay oo suurta galanimada kaga muuqan karta ayaaba iska yar. Taas ayaa kaga jawaabeysa su’aasha ah, wax maka badali karta qofka?

Haka samrin
In kastoo wali mugdi ku jiro oo adagtahay inaad ku boodid gabagabo oo ka goosatid go’aan. Balse hadafkaaga marnaba lagama niyad jabo, waqti aan dhaweyn Ayaan maqlay “waa adagtahay sida qof loo badalo”, taas anoo niyada ku haya hadana aminsanahay haleyska ah ‘What you see is what you get’ oo la micna ah waxaad aragtid waa waxad heleysid. Hadaad qofka aad ka aragtid inuu noqon karo qof wanaagsan oona ka dhadhansantid inuu dabcigaas ka hari karo waxaad qofka, waad ka miro dhalin karta go’aankaga.

Haduu muhiim ku yahay qofkas, la fariiso oo kala hadal arinka adingoon si dadban u tiigsaneyn oo si waadax oo asaaboon ugu sheegaya waxaad rabtid iney iska badalaan. Dadka badankood markey ficilada iyo hadalka dadban si fudud ayey u ogaadan markas isla markiiba iska kaa dadbaan ama ka xanaaqaan. Hadey taasi dhacdo waxba ha niyad jabin oo falkaagi waad gudatay saad u gaarsiin laheyd, ee sii waqti si ey go’aan ayaga u goostaan.

Xaqiiqada ayaa ah inaa had iyo joor jecelnahay inaanu qof kale wax ka badalno anagoon iska bilaabeynin, hadaba adiga iska bilow markas ayaad mabaadi’da qof kale lagu badali karo baran kartaa.
Nasiib Wacan!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment