Kareena Kapoor Camal Ayaa La Isku Diyaariyaa Markii Hooyo La Noqdo Kadib (+Sawiro)

Bulsha:- Inaba caadi ma ahan Kareena Kapoor Khan wey soo laabatay ayadoo ka xarago badan sidii hore weliba xidigtaan looma maleeyo in dhawaan ayay hooyo noqotay.

Kareena Kapoor waxay hooyo noqotay 20-kii December ee sanadki hore ayadoo ku curatay wiil loo bixiyay Taimur Ali Khan kaasi oo magaciisa iyo hadal heyntiisa baraha bulshada qabsaday.



Hadaba Kareena ayaa ka qayb gashay soo bandhiga barnaamij cusub oo TV-yada laga daawan doono waxayna xidigtaan lasoo baxday muuqaal soo jiidasho dheeraad ah sidoo kalena saxaafada oo dhan ayaa kusoo xoontay.

Kareena Kapoor markii ay uurka laheyd miisaan xoogan ayaa jirkeeda galay sidaa darteed dhawaanahan tabbar adag ayay ku jirtay sidoo kalena miisaan dhimis ayay ku jirtay ayadoo Gym-ka lagu arkaayay.


Sidaa darteed Kareena shaqadii ay iska qabatay maanta ayay banaanka soo dhigtay waxaana ka muuqato inay xidigtaan lasoo baxday soo jiidasho dheeraad ah sidoo kalena weli quruxdeedii ay leedahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment