Fariin Jaceyl Oo Calaal Ah : aboowe xaada ikaceyso markaasn soo xasuusto waxaad igu sameysay.

Bulsha:- Dareemaha qalbiga waxey u dhaqaaqaan codkiisa keliya,igama warhaayo xaalada aan ku suganahay,dadbaa igu yiraahdo waqtiga ayuu kugu dhameynayaa ee ka joog,laakin xitaa hadii aan talooyinka dadka qaadan lahaa,ma awoodo inaan ka fogaado, inkastoo aanan xamili karin kuleylka caashaqana,hadana marwalbo waan rajeynaa inuu isbedeli doono,Macquul ma tahay in qalbiga iyo maskaxdu aaney kala amar qaadan?

Waxaan isweydiiyey maxaey tahay xaaladaan aad ku sugan tahay? Maxaad u saadaalisaa jaceyl aan sal ku taagneyn? Aad ayuu qofkaan iigu dhow yahay,hadana wuu iga dheer yahay oo wuxuu iiga sheekeeyaa rajooyinkiisa mustaqbal,wuxuu iiga waramaa gabdhaha uu shukaansado qaar kamid ah,mararka qaarna talooyin ayuu isoo weydiistaa inaan ka siiyo arimaha dumarka.Kuma dhiiran karo oo ma dhihi karo kaalay fiiri qalbigeyga xanuunka aad ku heyso. Waan maseyraa xilliyada qaarkood,laakin aniga ayaa hada isqabto maxaad ku eedeysaa wiilka illeyn kuma oga inaad ;jeceshahaye.

Mar waxaan go’aan ku gaaray inaan isaga tago magaalada uu ku nool yahay oo dhan,hadana fikrada ah inaan subax walbo dhoolacadeyntiisa arko,oo aan bariidida kala bogano daawo ayey u tahay naftaan samirka diiday,dhaawaca daloola ayuu igu reebay waana mid dhiigbaxaaya, inkastuu arko marxaladaha jahwareerka aan ku noolahay iyo riyooyinka malaawaalka ii dhisan wuu iska indhotiraan.
Dhaawaca uu ku reebay qalbigeyga dawadiisa waa asaga,xitaa hadii noloshu sidaan ku soo gebagebowdo cidna maskaxdeyda kama saari karto in maalin,saacad aan ka heli doono ilnugeyl.

Sida ii muuqata asaga kuma filno weli inuu tijaabiyo caashaqa mugweyn ee sanadaha ku dhow,waxey la tahay kahelid caadi ah,yaa u sheega inuu yahay hawadii aan neefsanaayey! Hadii aan waayana inuu garaaca wadnaheyga istaagaayo,Ilmadu habeen iyo maalin wey iga dareertaa saacadaha aan wada kaftameynana waxey ila tahay inaan ku noolahay dunida meesha ugu qurxoon ee loogu talagalay qalbiyada isku haraadanaa iney ku nastaan.

Aniga waan ku qanacsanahay inuu i dhaawaco xitaa hadii aan maalin walbo wejigiisa ku ildoogsanaayo,yaa ugu warama in saacadu dheer yihiin markuu iga maqan yahay,Hurdadu ay indhaha ka guurto habeenkii.
Maxey ii tareysaa shalaayda ah maxaad ugu ogolaatay naftaada iney jeclaatay qof aanan kugu bedeley dareenkaas?


Hadii uu nasiibkeyga ahaan lahaa waxaan ahaan lahaa qofka ugu nasiibka badan dunida oo idil,farxadana waan ku dhameysan lahaa nolosha inta ka dhiman,laakin ma hubo riyadaas oo dhan iney ii hirgeli doonto.shumis.net, Haseyeeshee waan jeclahay asaga,waana sii jeclaan doonaa saacadba tan ka dambeysa xitaa hadii aan doqoobo booska uu ku leeyahay qalbigeyga cid kale ma degi doonto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment