Bulsha:- Waxaa la xaqiijiyay gabadha muranka u saaxiibka ah Poonam Pandey iyo Super Star Govinda inay dib u heshiiyeen taasi oo soo gaba gabeeyay dagaal mudo ka dhaxeeyay labadaan jilaa.
Govinda iyo Poonam Pandey ayaa ku heshiiyeen xaafada Andheri ee magaalada Mumbai ka tirsan kulan ka dhacay waxayna ka wada heshiiyeen qilaafkii dhex yiilay.
Poonam Pandey waxay hal hees ku leedahay filimka Aa Gaya Hero ee Govinda hogaamiye ka yahay sidaa darteed labadaan jilaa qilaaf walbo oo dhex yiilay xal ayay u heleen.
Waxaa la sheegay in Govinda u dhowr la dagaalay Poonam Pandey oo uu xitaa go’aan ku gaaray inuu ka jaro heeska atirishadaan ku leedahay filimkiisa Aa Gaya Hero.
Balse Poonam Pandey ayaa kulan la qaadatay Govinda sidoo kalena kala heshiisay qilaafkii dhex yiilay, Govinda wuu qaatay raali galintii sidoo kalena Poonam heeska ay filimka Aa Gaya Hero ku leedahay lama jari doono.
Sidoo kale Govinda wuxuu Poonam ka duubay muuqaal dheeri ah ayadoo xoogaa muuqaal ah filimkiisa Aa Gaya Hero ku yeelan doonto marka laga soo tago heeska ay ku leedahay.
Waxaa la sheegay Govinda uu ka carooday markii uu baraha bulshada ku arkay Poonam Pandey sawiro ay soo dhigtay kuwaas oo aan indhaha loo dhameestiri karin madaama ay jirkooda oo dhan banaanka soo dhigtay.
Govinda ayaan ka helin hab dhaqanka Poonam wuxuuna ka codsaday sawirada waalida ah inay baraha bulshada ka saarto, ayadana waxay ugu jawaabtay in uusan shaqo ku laheyn nolosheeda gaarka a.
Halkaas ayuu dagaalkdooda ka bilaawday balse haatan wey heshiiyeen sida idiin muuqatana sawirada ay wada galeen waa mar ay Mumbai ku kulmeen sidoo kalena muuqaalo dheeri ah Poonam Pandey laga duubay oo filimka Aa Gaya Hero lagu soo bandhigi doono.
Filimka Aa Gaya Hero ee uu Govinda hogaamiye iyo soo saare ka yahay waxaa la daawan doonaa 16-ka bishan Maarso waana filimka uu Govinda kusoo laaban doono.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment