Bulsha:- Dadkan ayaa ku socday magaaladda Dublin halkaasoo ay ugu socdaan inay ku soo xafladeeyaan kahor inta aanay diyaaradu ku dhicin waqooyiga gobolka Wales.
Waxaa la sameeyey baaritaan xoogan oo lagu raadinayay diyaaradan burburtay oo markii hore ka soo duushay magaaladda Luton.
Maydadka dadkan ku le’day shilkan diyaaradeed oo gaaraya shan qof ayaa markii dambe la hellay.
Kooxaha wax badbaadiya ayaa soo hellay burburka wixii ka soo harray diyaarada.
Waxaa sidoo kale la billaabay baaritaan la xiriira bal in la ogaado waxa sababay shilka diyaaradan.
Balse dhinaca kale Booliska ayaa sheegay inay joojinayaan baadigoobka la wado sababo la xiriira xaalada cimilada oo liidata.
Dadweynaha ayaa looga digay inay u dhowaadaan goobaha laga wado baaritaanka. Waxaana la sheegayaa in baaritaanadani ay qayb ka yihiin waxa sababay shilkan.
Ehelka iyo qaraabada dadkan dhamaaday ayaa loo sheegay geerida shantan qof oo dhamaantood ahaa dad waaweyn.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment