cilmibaare swedish ah oo yiri dadka caruurta leh oo ka cimri dheer kuwa aan waxba dhalin

Bulsha:- Cilmi baare Iswiidhish ah ayaa baaritaano cusub ku sameeyey da’da dadka iyo farqiyada u dhexeeya , waxaana cilbaaristaan lagu soo daabacey wargeyska lagu magacaabo Epidemiology and community Health.

Horey ayaa cilmi baarayaasha adduunku u qireen in dadka waalidiinta ahi ay noolaadaan muddo dheer taas oo arrima badan oo bulshooyinka la xiriira raad ku leh.

Balse baaritaankaan cusub ee uu soo saarey baare ka hawlgala machadka Karolinska, ayaa baaritaano ku sameeyey cimri dhererka dhammaan ragga iyo dumarka da’doodu ka weyneyd 60 jirka kuwaas oo dalkaan Iswiidhan ku dhashey muddadii u dhaxeysey sanooyinkii 1911-kii ilaa iyo 1925-kii, wuxuuna cilmi baaruhu baaritaanadaas sii wadey ilaa iyo intii qaarkood ay da’ ahaan ka gaarayeen 103 jir.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaadey in dadkii caruurta dhaley ay laba sano ka cimri dheeraadeen kuwii aan caruurta laheyn, baaritaanka ayaa sidoo kale natiija ahaan lagu ogaadey in cimri dhererkaasi sii kordhayo markii da’da dadkaas ilmaha dhaley ay sii siyaadaba.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment