Calaamado Cajiib Ah Oo Lagu Garto Marka Aay Gacalisadaada Ku Nacdo Ama Aaysan Danba Kaa Laheyn

Bulsha:- Inta badan lamaanuhu marka ay xariirka haasaawaha sameynayaan waxaa soo kala dhex gala xiiso dhamaada , isku dhac ka yimaad labada dhinac , farxad la’aan soo wajahda iyo waxyaabo kaloo badan. Hadbaa Lamaantaada kolka kaa xiiso dhigto waxa aad ku dareemi kartaa 3 arimood kuwaasoo si bareer ah aad uga arki doonto dabeecadaheeda kusoo kordhay.

1) Waxaa is badalaya Waqtiga , fursadii faraha badneed oo ay gabadhu ku heysay iyadoona ku masa bidaneysa walaalo wax hebel ayaa igu soo kordhay waxaan rabaa inaan arimo badan qabsado walaalo waan mashquulayaa ha iga xumaan & waxyaabo lamid ah Markii hore si walbo oo ay gabadhu u mashquusho kama aysan mashquuli jirin kulankiina waqti qaadashadiina wax walbo waxa ay ka hor marin jirtay danihiina.

2) Mararka aad wacdo kama jawaabayso Taleefanka iyadoona beri kolkaad is aragtaan kuugu jawaabaysa walaalo waan mashquulsanaa waan ka maqnaa , ma maqleynin codkaa ka xirnaa , Balse waqtigii ay qiimaha kuu heysay hadii ay arki weyso wicitaankaaga durba iyadaa kugu soo celin jirtay kaaga raali galineysay.



3) Tan ugu danbeyso ee lagu garto in Gacalisadaadu kaa xiiso dhigttay waa Muran & Dacwo joogta ah iyadoona ka xanaaqda waxyaabo sahal ah ee waqtiyadii hore waxba u arki jirin , waxa ay mar walbo isku daydaa ineey qalad kugu raadiso si ay xariirkiina usoo afjarto. Hadaba Maxaa kula gudboon markii aad ku aragto Dhaqamadaas Gabadha aad wada socotaan , Shabakada Allsiyaasad.com ayaa ku siineysa talooyin aad uga gudbi karto Buundadaas liiq liiqanayso.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment