Akhriso Arin Gabdhaha Casriga ah Waxyaabaha Aay Aad U Jeceyl Yihiin Iney Ninka Ku arkaan Iyo Dumarkii Hore Oo Ceeb U Yaqaanay..!!

Bulsha:- Inta badan dhaqannada bulshooyinka kala duwan ee dunidu waxa ay badankoodu ka siman yihiin aragtida ah in oohintu ay tahay camal dumar oo aan ninka looga dul qaadan Karin, gaar ahaan in aanay sharaftiisa ahayn in uu gabadha ka hor ooyo.

Sidoo kale waxaa jirta aaminsanaa fidday oo ah in gabadhu aanay jeclayn ninka ooya, maadaama oo ay u arkayso jiliic ka dhigaya qof aan wehel u noqon Karin ama aanay ka dhigan Karin gabbaad ay cadowga ka hoos gasho. Dadka qaarna waxaabay ku doodaan in gabadhu ay ninka ooya u aragto in uu yahay nin jilicsan oo aanay ragannimadiisu ahayn tii ay u baahnayd.

Si kastaba ha ahaato ee daraasado badan oo cilmiga bulshada ee casriga ahi gaadhay ayaa daahfuray in oohintu ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo isugu jira kuwo nafsi ah iyo kuwo jidheed, kana mid tahay sababaha ay gabadhu inta badan ragga ugaga yar tahay cudurrada nafsiga ah, maadaama oo ay iyadu dhibasta oo la kulanto kaga nafisto oohinta, halka ninku uu ku cabudhsanaado.

Haddaba rayi ururin ay samaysay majaladda Sayidati oo uu Allsiyaasad.com soo xigtay ayaa daaha ka feyday in su’aali ka soo noqotay aragtidii hore loo aaminsanaa ee ahaa in gabadhu ay ninka ooya u aragto ruux jilicsan.
Qiyaas 4 kun oo dumar jinsiyado kala duwan ah oo rayi-ururin lagu sameeyey ayaa ay ka caddaatay in oohintu aanay ragga ku ahayn astaan daciifnimo. Boqolkiiba 98 dumarka la waraystay ayaa isku waafaqay in oohintu aanay waxba u dhimayn ragannimada iyo kartida ninka.

Sidoo kale daraasaddani waxa ay daaha ka fayday in gabadha casrigani ay jeceshayba in odaygeedu uu noqdo nin awoodi kara in uu ooyo, marka uu xaalku yahay mid oohin mudan. Waxaa caddaatay in ay isbeddelayso aragtidii hore ee gabadhu ka qabtay in ninku horteeda ka ooyo, isla markaana ay dhacdaba in oohintaasi gabadha ku beerto farxad iyo kalgacal dheeraad ah oo ay ninka u sii qaaddo, iyada oo u aragta in uu yahay ruux leh qalbi dabacsan oo sideeda oo kale damqashada ka ooya.

Daraasaddu waxa ay tilmaamtay in oohintu ay gabadha ku sii kordhiso xiisaha ay ninka u qabto, meeshana uu ka saaro sheeko baraleyda muddada dheer soo taxnayd ee sheegaysa in qalbiga ninku dhagax ka samaysan yahay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment