Sawirro: Xiisad ka dhalatay soo dhaweyntii Faroole ee Garoowe iyo amarkii Gaas oo la jabiyey

Bulsha:- Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegayo inay halkaas ka jirto Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay soo dhaweyntii  loo sameeyey madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole kana tirsanaa musharixiintii isku soo taagtay xilkii madaxweynimo ee Soomaaliya inkastoo uu markii dambe iska casilay tartankaas.

Xiisadaan ayaa bilaabatay markii ay dadweynaha Puntland jabiyeen amarkii dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas kaasoo amray inaan Faroole loo sameyn karin wax soo dhaweyn ah.

Wararka ayaa sheegayo inuu Faroole safarkaan ku wehliyey Musharax Cali Xaaji Warsame oo isna ka tirsanaa musharixiintii u tartamay madaxweynimada Soomaaliya.

Amarkaan ayaa yimid markii labadaan musharax ay weerar afka ah ku qaadeen Gaas iygoo ku eedeeyey inuu ka shaqeenayey sidii ay dowladda wagtigeeda dhamaaday usoo Laaban laheyd.

Soo dhaweynta Faroole ee Garoowe waxaa kasoo qeybgalay gadiidka dagaalka iyo ciidamo ku hubeysan qoryaha noocyadooda kala duwan kuwaas oo daacad u ah madaxweynihii hore Faroole, sidoo kalana waxaa kasoo qeyb galay dad farabadan oo laga dheehan karay jaceylka ay u qabaan Faroole.

Ilaa iyo hadda ma jirto Tallaabo uu qaaday gaas oo ku aadan soo dhaweyntii weyneyd ee Faroole loogu sameeyey Garoowe taasoo kuu muujineyso inuu amarkiisa shaqeyn waayey.

Haddaba hoos ka daawo sawiradii soo dhaweynta Faroole ee Garoowe








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment