Bulsha:- Superstar Shah Rukh Khan waa atoore ka xamaasha Bollywood kaasoo taageere ballaaran ku leh daafaha caalamka. Waalidka dhalay atariishada reer Pakistan Mahira Khan oo la hogaamineysa filimkiisa Raees ayaana ka mid noqday taageereyaashiisa.
Waalidiinta Mahira Khan ayaa daawaday filimka Raees ee ay gabadhoodu la hogaamineyso 51 sanno jirkaan waxayna si aad ah ula dheceen fursadda ay heshay gabadhoodu iyo sida ay uga soo dhalaashay filimkeedii ugu horreeyey ee Bollywood.
Mahira Khan ayaa tiri: “Falalkaan ayaa ka dhacay guriga qoyskeyga markii ay daawanayeen filimkaan. Waxay ku qeylinayeen magaca Shah Rukh Khan, kuma aysan qeylineyn magaceyga.
“Waxay dhahayeen horay u soco Shah Rukh Khan. Aad ayey ugu qeylinayeen magaciisa. Waa inaan aqbalaa aragtidooda sababtoo ah waxay noqdeen taageereyaashii ugu dambeeyey ee uu caalamka daafihiisa ku leeyahay Shah Rukh Khan. Haatan waxaa iga baxay cabsidii aheyd in aysan qoyskeygu soo dhoweyn doonin filimkaan. Si weyn ayeyga uga heleen”.
Filimka Raees ayaa waxaa tiyaatarrada la saaray 25kii bishii January ee sannadkaan, wuxuuna ganacsi wanaagsan ka sameeyey gudaha India iyo daafaha caalamka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment