Bulsha:- Atooraha looga haray iskoor sameynta gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa si rasmi ah kaga hadlay filimkiisa Thugs of Hindostan xiliga uu ka hawl gali doono.
Aamir Khan ayaa joornaaliste Faridoon Shahryar oo shabakada Bollywood Hungama ka tirsan u sheegay in filimkiisa Thugs of Hindostan uu si rasmi ah duubis ugu bilaabi doono bisha 5-aad ee sanadkaan waana bisha May 2017.
Aamir Khan ayaa si adag tababar u sameenayo si uu doorkiisa cusub ee uu filimka Thugs of Hindostan ku matali doono kaga run sheego waxaana filimkaan iska leh Director Vijay Krishna Acharya oo horey u sameeyay filimka Dhoom 3.
Filimka Thugs of Hindostan waxaa soo saare ka ah shirkada Yash Raj Films sidoo kalena Amitabh Bachchan ayaa door muhiim ah ku leh waxaana filimkaan la daawan doonaa Diwali 2018.
Aamir Khan ayaa jir ahaan siweyn isku diyaariyay sidoo kalena gar weyn ayuu deestay madaama uu matali doono nin la dagaalami jiray gumeysigii Ingiriiska qarnigii 18-aas asigoo dhici jiray hantida Ingiriiska badda iyo berigana ku dhibaateen jiray.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment